Kahortagga

Baaritaanka kansarka sanbabada

Si wadajir ah, Fred Hutchinson Cancer Center iyo UW Medicine ayaa baaritaan u samaynaaya dadka khatarta ugu jira kansarka sanbabada. Iskaanka fudud ee boobsiiska ah, ee loo yaqaano Iskaanka fudud (CT), ayaa ah keliya baaritaanka lagu talinaayo in lagu sameeyo xanuunka. Heerarka badbaadista ee dadka qaba kansarka sanbabada ayaa kor u kaca marka xanuunka laga heli intuu biloowga yahay.

Codso balan

Haddii aad aaminsan tahay inaad u qalanto baaritaan, fadlan la xariir dhakhtarkaaga guud si aad u hesho dalabka baaritaanka.
Dalabaadka waxaa fakis loogu diri karaa (206) 606-6729.

Foomka dalabka Baaritaanka kansarka sanbabada ee CT (PDF)

Marka dalabka lasoo gudbiyo aadna diyaar u tahay inaad mudaysato ama haddii aad qabto su'aalo ku saabsan Barnaamijka Baaritaanka Kansarka sanbabada, fadlan nagasoo wac (206) 606-1434.

Waxaan bixinaa lix goobood oo lagu qanci karo oo ku yaala dhammaan Puget Sound:

  • Fred Hutchinson Cancer Center - South Lake Union
  • UW Medical Center - Montlake
  • UW Medical Center - Roosevelt
  • UW Medical Center - Northwest
  • Harborview Medical Center
  • UW Medicine Eastside Specialty Center

Si loo kobciyo caafimaadka dadka asalka ah, Fred Hutch ayaa abuurtay Barnaamijka həliʔil si loola xariiro qabiillada iyo kooxaha asaliyiinta ah ee gobalkaaga si kor loogu qaado baaritaanka kansarka sanbabada.

Xog badan ka ogoow Barnaamijka həliʔil

Ma tahay inaan isbaaro?

Faa'iido ayay kuu leedahay inaad isbaarto sanad kasta haddii waxyaabaha soo socda ku khuseeyaan:

  • Aad jirto inta u dhexaysa 50 iyo 80 sano jir.
  • Aad hadda sigaarka cabto, ama aad joojisay ugu danbayn 15 sano ee lasoo dhaafay.
  • Aad cabtay celcelis dhan ugu yaraan 1 baakad maalintii muddo 20 sano ah ama 2 baakad maalintii muddo 10 sano ah.

Tilmaamahaan baaritaanka kansarka sanbabada waxaa soo saaray Gudigga Adeegyada Kahortaga ah ee Maraykanka (U.S. Preventive Services Task Force (USPSTF).

Xog Dheeraad ah ka fiiri USPSTF

Shuruudaha dheeriga ah ee baaritaanka

Shaqsiyaadka jira 50 sano oo cabay 1 baakad oo sigaar ah maalin kasta muddo 20 sano ah ama ka badan waa inay isbaaraan haddii ay ku jiraan mid kamid ah khataraha soo socda:

  • Aad leedahay heerka qaadista kansarka oo sareeya oo qoran.
  • Aad horay goobta shaqada kula kulantay qiiqa silica, cadmium, asbestos, arsenic, beryllium, chromium, nickel ama naaftada.
  • Aad ka badbaaday kansarka sanbabada, lymphoma ama kansarka madaxa iyo qoorta.
  • Aad horay u soo martay xanuunka daran ee xiranka halbawlaha wadnaha ama xanuunka nabarada wadnaha ee fibrosis.
  • Aad kasoo jeedo qoys horay looga helay kansarka Sambabka.

Kooxda labaad ee bukaannada khatarta wayn ku jira waxaa laga wadaa inaad isla khatarta ugu jirto kansarka Sambabka ay ugu jiraan dadka lagu tijaabiyay Tijaabada Baaritaanka Sanbabka ee Qaran.
Laakiin si buuxda looma garanaayo heerka kooxdaani ka faa'iidaysan karaan baaritaanka CT maadaama aan lahayn xog kasoo baxday tijaabo qori tuur ah.

Dadka uu ku baxo qiiqa sigaarka dadka kale cabayaan MAAHA khatar madax banaan oo lagu talinaayo baaritaanka kansarka Sambabka ee CT.

 

Ilaha baaritaanka

Computed tomography A procedure that uses a computer linked to an X-ray machine to make a series of detailed pictures of areas inside the body. The pictures are used to create three-dimensional (3-D) views of tissues and organs. A procedure that uses a computer linked to an X-ray machine to make a series of detailed pictures of areas inside the body. The pictures are taken from different angles and are used to create three-dimensional (3-D) views of tissues and organs. A dye may be injected into a vein or swallowed to help the tissues and organs show up more clearly. This scan may be used to help diagnose disease, plan treatment or find out how well treatment is working. Lymphoma Cancer that begins in the cells of the immune system. There are two basic categories of lymphomas: Hodgkin lymphoma and non-Hodgkin lymphomas. Cancer that begins in cells of the immune system. There are two basic categories of lymphomas. One is Hodgkin lymphoma, which is marked by the presence of a type of cell called the Reed-Sternberg cell. The other category is non-Hodgkin lymphomas, which includes a large, diverse group of cancers of immune system cells. Non-Hodgkin lymphomas can be further divided into cancers that have an indolent (slow-growing) course and those that have an aggressive (fast-growing) course. These subtypes behave and respond to treatment differently. Both Hodgkin and non-Hodgkin lymphomas can occur in children and adults, and prognosis and treatment depend on the stage and the type of cancer.

Maxaa ku jira baaritaanka?

Iskaanku waa qaab boobsiis ah, fudud, oo aan xanuun lahayn oo aad galayso ayadoon dhakhtarka lagaa bixin. Iskaanka CT oo kuuradiisu hoosayso waa nooc raajo qaas ah oo sawiro kaladuwan kaa qaadayo adoo ku jiifa miis gudaha iyo banaanka kaaga jiidaaya mashiinka. Kumbuyuutar ayaa intaas kadib isku dhafaaya sawiradaan si uu u sameeyo sawirka faahfaahinka ka bixinaaa sanbabooyinkaaga.

Computed tomography A procedure that uses a computer linked to an X-ray machine to make a series of detailed pictures of areas inside the body. The pictures are used to create three-dimensional (3-D) views of tissues and organs. A procedure that uses a computer linked to an X-ray machine to make a series of detailed pictures of areas inside the body. The pictures are taken from different angles and are used to create three-dimensional (3-D) views of tissues and organs. A dye may be injected into a vein or swallowed to help the tissues and organs show up more clearly. This scan may be used to help diagnose disease, plan treatment or find out how well treatment is working.

Su`aalaha Inta badan la Isweydiiyo (FAQ)

Caymisku ma daboolayaa baaritaanka kansarka sanbabada?

Inta badan caymisyada caafimaadka gaarka loo leeyahay, Medicaid iyo Medicare ayaa daboolaaya baaritaanka kansarka sanbabada ee bulshooyinka u qalma. Daryeelka dabagalka ah ee loo baahan yahay kadib baaritaanka ayay u badan tahay in caymiskaagu daboolo ama Medicare ama Medicaid; hase yeeshee, fadlan la xariir shirkadaada caymiska si aad u hubiso inay daboolayaan ama wac Adeegyada Dhaqaalaha ee Bukaanka oo aad ka helayso (206) 606-6226 si aad u waydiiso su'aalo kasta oo quseeya xaqiijinta.

Maxaa barnaamijka Fred Hutch/UW Medicine loogu doortay baaritaanka kansarka sanbabada?

Barnaamijkeena ayaa ahaa mid kamid ah kuwii ugu horeeyay ee wadanka oo dhan oo ay u magacaabeen Isbahaysiga Kansarka Sanbabada (Lung Cancer Alliance) inay tahay Xarunta Guusha ee Baaritaanka. Waxaa sidoo kale aqoonsi na siiyay Machadka Maraykanka ee Cilmiga Raajada (American College of Radiology).

Haddii baaritaankaagu muujinaayo inaad u baahan tahay daryeel dheeraad ah, dhakhaatiirta jooga Rugteena Baaritaanka Biloowga Hore ee Kansarka Sanbabada iyo Kahortaga iyo barnaamijkeena kansarka sanbabada ayaa diyaar u ah inay kaa caawiyaan talaabooyinka xiga.

Xagee ayaan ka helaysaa khayraad iga caawinaaya joojinta sigaarka?

Qaabka ugu fiican ee loo yareeyo khatartaada qaadista kansarka Sambabka waa inaad joojiso sigaarka.
Waa wax adag inaad joojiso sigaarka, laakiin waad joojin kartaa. Oo, uma baahnid inaad keligaa samayso.
Kooxdaada daryeelka ayaa diyaar u ah inay ku taageeraan.
Halkaan waxaad ka helaysaa khayraad dheeraad ah oo kaa caawin kara inaad guuleysato: