Baaritaanka Kansarka Naaska
Khabiirada caafimaadka naasaha ee Ururka Daryeelka Kansarka ee (Seattle Seattle Cancer Care Alliance (SCCA)) wuxuu bixiyaa baaritaanka naaska wuxuuna kaa caawin karaa inaad ogaato baaritaanka kugu habboon ayadoo lagu saleynaayo da'daada, caafimaadkaaga, heerka halista, iyo waxyaabo kale.
Baaritaanka naaska waxaa dumarka looga qaadaa si joogto ah xataa marka aysan lahayn astaamaha kansarka naaska. Baaritaanku wuxuu muujiyaa astaamaha aan la oggaan lahayn
Taasi waa muhiim sababtoo ah marka xanuunka xili hore la ogaado, waxbaa laga qaban karaa. Dumarka qaba kansarka naaska ee yar, kujira heerka koowaad waxay helayaan dookhyo daawreyn iyo fursad fiican oo lagu daaweeyo.
Maxaad Fred Hutch u dooranaysaa si aad isku baarto
Baaritaanka kansarka naaska ee aan ku talino—raajitada naaska, ee loogu talagalay qaar kamid ah dumarka, MRI da naaska—waxaa lagu saleeyaa caddeynta sayniska ee ugu wanaagsan, sida dhammaan daryeelka Fred Hutch bixiso.
- Kuuliyada Baaritaanka Shoocaaca Maraykanka waxay Fred Hutch u aqoonsatay inay tahay Xarun Baarta Naaska oo Heer sare ah.
- Waxaad kalsooni ku dareemi kartaa in lagugu baaro Fred Hutch sababtoo ah khabiirada farsamo yaqaanada ah iyo dakhaatiirta baaritaanada shoocaaca ee sameynaaya ama turjumaaya baaritaanadaada waxay si gaar ah ugu takhsuseen baaritaanada naaska. Dakhaatiirteena baaritaanka shoocaaca waa dakhaatiirta UW Medicine.
- Waxaan isticmaalnaa tignoolajiyadii ugu danbeysay, sida raajiyada sawirka dhabta ah muujisa (3D), waxaana si firfircoon oga qaybqaadanaynaa cilmi baarista si aan kor ugu qaadno in muddo hore la ogaado kansarka naaska ayadoo la adeegsanaayo baaritaanka sawirka ah.
- Si aad maskaxdaada u dejiso, waxaad haysataa xulasho aad ku dooranayso balan oon ugu siinayno natiijada baaritaankaaga isla maalintaas.
- Haddii dakhtarkaaga shoocaaca uu kuu diro in unug jirkaaga ah lasoo jaro lana baaro si loo eego unugtada aan caafimaadka qabin, waxaan bixinaa adeegyada unugta lagu baaro isla maalinta.
Sawirka raajiyada naaska
Baaritaanka sawirka raajiyada naaska waa midka inta badan la sameeyo waana baaritaanka inta badan lagu sameeyay daraasad si loogu ogaado kansarka naaska. Waxay badbaadiyaan nolasha dadka maadaama ay kansarka oo yar ogaadaan.
- Sawirka raajiyada naaska wuxuu isticmaalaa raajito si uu usoo saaro sawirada naaskaaga si dakhtarkaaga shoocaaca u arko unugyada aan caafimaadka qabin aadkana u yar ama uu sidaas dareemaayo dakhtarkaaga.
- Marka la joogo Fred Hutch, waxaan isticmaalnaa Sawirka raajiyada naaska oo ah tignoolajiyadii ugu danbeysay, oo loo yaqaan sawirka raajitada ee 3D ama baaritaanka sawirka naaska ee digitaalka ah.
- Baaritaanka Sawirka naaska ee 3D da ah wuxuu hal bar sawiro badan ka qaadaa naaskaaga. Tani waxaa loola jeedaa waxaa badan suurtagalnimada ah in la ogaado kansarka xilli hore iyo astaamo yaryar oo been ah (unugyo u muuqda inay qabaan kansar laakiin dhab ahaan caafimaad qaba).
- Marka lagaa qaado sawirka raajitada naaska, waxaa la oggaan karaa inaad leedahay naaso cufkoodu fudud yahay. Maadaama xogtaan keeni karto isku dhexyaac, halkaan ayaad ka helaysaa xogta ku saabsan cufka naaska iyo macluumaad kale ay tahay inaad ogaato.
Goobaha
Waxaan ku shaqeynaa goobo kaladuwan oo habboon:
- Xarunta Dumarka ee Fred Hutch ee ku taala South Lake Union
- Sawirka Baaritaanka Naaska ee Fred Hutch Van (dhowr goobood)
- Fred Hutch ee kutaaa xarunta UWMC-Northwest
- UWMC-Roosevelt
- Xarunta Takhasuska ee UW Eastside
Qabso balanta baaritaanka raajitada naaska ama MRI da naaska
TALEEFANKA: (206) 606-7800
IIMAYLKA: imagingsched@seattlecca.org
Si aad u ogaado xiliyada uu imaanaayo Gaariga wareega ee sameeya Raajitada naaska fadlan soo wac lambarka kor ku qoran.
Raajitada naaska ee 3D
Fred Hutch waxay bixisaa raajitada naaska ee 3D, oo sidoo kale loo yaqaan raajiyada naaska ee digitaalka ah ama Raajitada Digitaalka ah ee Naaska (Digital breast tomosynthesis (DBT), waxaana loo adeegsadaa baaritaanka raajiyada naaska ee loogu talagalay dhammaan bukaanada. Farsamadaan tignoolajiyada casriga ah waxay dakhaatiirta ka caawisaa inay si wayn u qiimeeyaan unugta naaska, ayadoo qiimeenaya hal lakab halkii marba.
Raajitada (sawirka naaska) ee 2D da ah, hal sawir oo naaskaaga ah ayay ka qaadaysaa kor mid kalena waxay ka qaadaysaa geeska. Raajitada 3D da ah waxay naaskaaga ka qaadaysaa sawiro badan oo ay ka qaadayso labada geesba waxayna adeegsataa nidaam awood sare leh si ay "lakabyada" naaska ee isdul sarsaaran u badesho, ama "galalka," mid walba kaliya 1 milimitar oo balac ah.
Tani waxaa loola jeedaa dakhaatiirtaada shoocaaca waxay kansarada naaska u arki karaan si cad waxayn bixin karaan qiimeyn kalsooni dheeraad ah leh. Raajitada naaska ee 3D da ah waxay hoos u dhigi kartaa inaad u baahato baaritaano kale oo unugta lagu sameeyo ee laga yaabo inay caadi yihiin laakiin u muuqan lahaa inaysan caafimaad qabin marka lagu eego raajiyada naaska ee 2 D da ah.
Sameynta raajitada naaska ee 3D waxaa loo sameeya isla sida loo sameeyo raajitada naaska ee 2D da ah. Qof ku takhususay tignoolajiyada oo tababaran ayaa naaskaaga ku toosinaaya aalad qaas ah oo loogu talagalay wuxuuna hoos ka galinayaa shey. Gacanta raajitada ayaa dul marmari doonta dusha naaskaaga, ayadoo qaadaysa sawiro badan.
Raajitada naaska Gaariga wareega ee Fred Hutch
Raajitada naaska ee gaariga wareega ee Fred Hutch wuxuu aadaa aaggaga Puget Sound si aad qaab habboon ugu hesho raajitada naaska. Eeg jadwalkeena si aad u aragto goorta gaariga wareega ee raajitada naaska uu imaan doono aagaaga.
Jadwalka raajitada naaska Gaariga Wareega ee Fred Hutch (PDF)
TALEEFANKA: (206) 606-7800
Sawirka Raajitaada Naaska ee Magneetiga ah (Breast magnetic resonance imaging (MRI))
MRI da naaska waa aalad aad u awood badan oo sheegta kansarka naaska qorsheysanaya daaweynta ugu habboon ee loogu talagalay dumarka mardhow laga helay cudurka. MRI waa baaritaan dheeraad ahna muhiim oo lagu baaro qaar kamid ah dumarka. MRI da naaska waxay isticmaashaa magneetig aad u awood badan, halkii ay ka isticmaali lahayd raajito, si naaska sawir loogu qaado. Waxaan gacan ka geysan kartaa in lagu ogaado kansarka naaska ee ay adag tahay in lagu arko raajitada naaska.
- Guud ahaan, baaritaanka MRI da waa muhiim, ayadoo ay wehliso raajitada naaska, haddii aad khatar wayn ugu jirto qaadida kansarka naaska.
- Dakhatiirta shoocaaca ee Fred Hutch waa khabiiro ku takhasusay qaadista sawirada MRI da oo leh tayo sare iyo aqoonsashada dumarka inta badan ka faa'idaaya marida MRIs da.
- Sidoo kale waxaan sameynaa cilmi baarista MRI da iyo tijaabooyinka caafimaadka ee qiimeeya sida qaabka ugu wanaagsan loogu adeegsan lahaa tignoolajiyadaan.
Qabso balan aad ku marayso MRI da naaska
Haddii aad jeclaan lahayd inaad qabsato balan ama aadana hubin halista aad ugu jirto kansarka naaska aadna jeclaan lahayd inaad hesho macuumaa dheeraad ah oo ku saabsan in MRI da naaska ugu habboon yahay iyo in kale, kala hadal dakhtarkaaga ama nalasoo xariir.
Taleefoonka: (206) 606-7800
Baaritaanada kale ee sawirka naaska
Khubarada Fred Hutch waxay si joogto ah u qiimeeyaan cadeymihii ugu dambeeyay ee sayniska lana xariira qaabka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo baaritaanka kansarka naaska, si aad u hubto in faa'idooyinka ay ka badan yihiin halista laga dhaxli karo baaritaanka aan bixino.
Raajitada naaska iyo MRI da ayaa ah qaababka la ansixiyay ee inta badan lagu ogaado kansarada naaska ayadoo sawir naaska laga qaadaayo.
Waxaa laga yabaa inaad maqashay baaritaanada kale ee sawirada ah lana adeegsado ama la daraasadeeyay si loogu baaro dumarka cufka naaskoodu yar yahay. Wax kamid ah baaritaanadaas oo loo ansixiyay inay nolal badbaadiyaan majiraan. Taasi waa sababta dakhaatiirta Fred Hutch aysan si joogto ah ugu talin in loo adeegsado inta badan dumarka.
Kuwaan waa baaritaanada inta badan la sameeyo ee laga yaabo inaad maqashay marka laga yimaada raajitada naaska iyo MRI da naaska:
- Baaritaanka ultrasound: Ultrasound waa aalad aad u wanaagsan oo si fiican u muujisa burada ama meelaha laga shakiyo ee lagu arko raajitada naaska. Laakiin guud ahaan ma ahan aalad wax ku ool u ah dumarka marka aysan qabin astaamo. Sababtoo ah waxay sababaysaa digniino kale oo badan oo ah been (meelo laga shakiyo oo gadaal laga ogaado inaysan ahayn kansar) marka lala barbardhigo kansarka dhabta ah ee lagu ogaado. Fred Hutch, waxaan baaritaanka ultrasound inta badan u isticmaalnaa dumarka halista badan kujira aana mari karin MRI da sababo la xariira xaalado caafimaad oo ay qabaan.
- Baaritaanka naaska ee Raadraaca Sawirka, oo ay kujiraan baaritaanka sawirka naaska ee gamma (breast-specific gamma imaging (BGSI)) (oo sidoo kale loo yaqaan scintimammography) iyo raajiyada sheegta astaamaha kansarka (positron emission mammography (PEM)): Marka lala barbardhigo raajitada naaska, tignoolajiyadahaan waxay habeenka ku siidaayaan shoocaac fara badan, oo ku sababi kara xaalado caafimaad daro. Inkastoo qaar kamid ah xaruumaha ay hadda adeegsadaan BGSI iyo PEM, hadana waxaa loo baahan yahay cilmi baaris dheeraad ah si loo ogaado sidaan u isticmaali karno baaritaanadaan.
- Baaritaanka kansarka naaska ee awooda badan ama MRI DEGDEGA AH: Noocaan MRI da ee gaaban wuxuu gacan ka geysan karaa ogaanshaha kansarka dumarka ee cufka naaskoodu yar yahay marka lala isticmaalo raajitada naaska. Waxaan si joogto ah u baranaynaa tignoolajiyadaan si aan u ogaano dadka ka faa'ideysan kara.
- Raajitada naaska ee Hormarsan (Contrast-enhanced mammography): Ku duriga dhiigaaga waxyaabaha muujiya unugyada aan caafimaadka qabin kahor inta raajitada naaska aysan gacan ka geysan ogaanshaha kansarka. Waxyaabaha muujiya unugyada aan caafimaadka qabin, oo kor u qaada tayada sawirka, wuxuu sawiro badan oo fudud ka qaadaa aagaga leh dhiig qulqulka aan caadiga ahan sida burada. Waxaan wax ka baran doonaa baaritaanka noocaan ah.
- Baaritaanka Thermography: Fred Hutch ma bixiso baaritaanka thermography, sida waafaqsan tallooyinka Maamulka Cuntada iyo Daawada (Food and Drug Administration) ee ah inaan la isticmaalin aysana badel u noqon raajitada naaska.
Qiimeynta uu qofku naaskiisa ku sameeyo iyo wacyi gelinta
Waxaan gacan ka geysan kartaa ogaanshaha kansarka naaska haddii aad baratid sida naaskaaga caadiyan yahay iyo haddii aad u sheegto dakhtarkaaga wixii isbadelo ah ood isku aragto. In badan oo ka mid ah kansarada naaska maanta qofka ayaa si iskiis ah u ogaan kara.
Dalka Maraykanka, 10 kii dumarba ee laga helo kansarka naaska:
- Lix kamid ah ayaa laga helay kansarka sababtoo ah waxay sameeyaan qiimeynta baaritaanka, sida raajitada naaska, oo ogaatay unugyo aan caafimaad qabin, inkastoo aysan muujin wax astaamo ama calaamado ah.
- Afar ayaa laga helay kansarka sababtoo ah haweeneyda ama dakhtarkeeda ayaa dareemay burada ama ogaaday astaan kale ama calaamad kale kadibna baaray.